Tuulo-Barwaaqo: Wasiirka Arimaha Bulshadda Dowlada Gobaleedka Jubaland iyo Wafti uu horkacayo…..

Wasiirka Arimaha Bulshadda Dowlad Goboleedka Juba-land iyo wafti uu horkacayo oo booqday Tuulo-Barwaaqo.

Tuulo-Barwaaqo oo 18km u jirta magaalada Dhoobley ee dowlad goboleedka jubaland  waxaa gaadhay maalinimadii shakay wasiirka arimaha bulshada ee juba-land state macalim Maxamed tuulobarwaaqo 1isagoo uu socodkiisan ku weheliyo ugaaska beesha bahgari Ugaas Khaliif Sh Cali Muxamed, ugaasyo, culimo’udeen, aqoonyahaniin iyo cuqaal kale oo badan. dadka dagaanka tuulo barwaaqo waxay u sheegeen wasiirka in tuuladu aysan ka jir mashaariic horumarineed sida biyo nadiifa oo la cabo, rug caafimaad iyo adeegyada kale ee bulshadu u baahan tahay. wasiirka arimaha bulshada macalim Maxamed wuxuu balan qaaday in ay wax ka qaban doonaan baahida ay u soo jeediyeen dadka degan tuula Barqaaqo sidoo kale wuxuu ka codsaday dhamaan dadka degaanka ah inay kala shaqeeyaan dowlada sidii amaanka loo sii xoojin lahaa wax kasta oo wax u dhimi karana looga hortagi lahaa. tuulobarwaaqo 2Goordhowna waxaaan idin soo gudbin doonaa maqal iyo muuqaalkii laga duubaay booqashada wasiirka iyo ugaaska.tuulobarwaaqo 3

ugu dambayn dadwaynaha degaanka tuulo Barwaaqo waxay hambalyo iyo boogaadin u direen madaxwaynaha cusub ee dowlad goboleedka Juba-land Ahmed Maxamed Islaam oo dhawaan lagu doortey magaalada Kismaayo.


Dhoobley: Mohamed Mara

 

3 thoughts on “Tuulo-Barwaaqo: Wasiirka Arimaha Bulshadda Dowlada Gobaleedka Jubaland iyo Wafti uu horkacayo…..

  1. aad baan UGU riyaaqey Tuulada tuulobarwaaqo.
    Shaman rer tuulobarwaaqo Norma baan idiin Rajeenayaa nin walba is agama dad kisma wax quanta. EE yaan laseexan

  2. aad baan UGU riyaaqey Tuulada tuulobarwaaqo.
    Dhamaan reer tuulobarwaaqo khayr iyo hormar baan idiin Rajeenayaa nin walba isaga ayaa dadkiisa wax tara. EE yaan laseexan..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *