Tacsi kusocota Qoyskii uu ka geeriyooday Xassan Maxamed Cilmi (Qoodow)

tacsi-640x320Jaaliyada Qurbajoogta Beelaha Bahgari oo ku kala sugan dacalada Aduunyada iyo Maamulka iyo shaqaalaha shabakada Daraawiish.com uguna horeeyo madaxa website-kaa Mohamed Adam Xiirey & Mohamud Maxamed Xiirey (Jeeri) waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Allaha ha u naxariistee Xassan Maxamed Cilmi (Qoodow) oo ku geeriyooday magaalada Seattle ee gobolka Washinton 04:00 am March 1st, 2016.

Dadkaan oo isku duuban waxay leeyihiin uguna duceynayaan in janatul fardowsa Alle ka warabiyo marxuun Xassan Qoodow oo in muda ah la tacaalayay kalyo xanuun, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday-na samir iyo imaan Alle ka siiyo AAAMIIINN.

Gaar ahaan waxaan halkaan tacsi ugu diraynaa dhamaan caruurtii uu ka dhintay marxuunku oo gudo iyo dibad kuwada nool.

MARXUUMKA WAXAAN EEBE UGU BARYEYNAA INUU JANATUL FARDOWSA KA WARABIYO IYADOO LAGU WADA ISLA MAANTABA IN LA AASO .

FIIRO GAAR AH: HADII AAD TACSI DIRAYSO FADLAN MAGACAAGA OO SEDEXAN IYO FARIINTAADA KU SOO QOR COMMENTS PAGE KA.

 

3 thoughts on “Tacsi kusocota Qoyskii uu ka geeriyooday Xassan Maxamed Cilmi (Qoodow)

  1. Xasan Maxamed Cilmi (Qoodoow) Alle ha u naxariisto, eheladii iyo qaraabadii uu ka tageyna samir iyo iimaan Alle ha ka siiyo. Innaa Lilaahi wa innaa ekeyhi All raajicuun.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *