Sixida Taariikhdii Sayidka

Sayid Omar Shariif MahbuubBy Professor Sayid Omar Shariif Mahbuub
www.Daraawiish.com

**Hoos ka daawo Video-ga**

Qoraal la’aantii jiri jirtay iyo aqoontii dadka oo aad u koobneyd xilligii uu socday Halgankii Daraawiishta, ayaa dhaawac weyn gaarsiisay jiritaanka qoraal sax ah oo laga raad raaco taariikhdii Sayidka (Sayid Mohamed Abdulle Hassan) iyo Daraawiishta. Hadaba waxaa dhacday in markii uu Sayidku geeriyooday ka dib, uu gumeystihii Engriisku uu billaabay in uu xasuuqo taariikhdii saxda ahayd ee Sayidka iyo Daraawiishta si aan looga dayanin , oo uusan Halgan dambe uusan u sii soconin, sidaas awgeed ayuu Gumeystaha Engriiska waxaa uu “gubay”qaarna uu qaatay Qoraalo taariikhi ah oo Arabic ku qoranaa lagana dhaxli lahaa Muqadimiintii iyo Mas’uuliyiintii daraawiishta. Arintaas Keyd-qoraal la’aaneed waxay isgu soo biyo Shubatay in Halgankii dheeraa ee 20ka sano socdaylagu soo gudbiyo sheeko ahaan, taas oo odayaashii laga qoray ay dadaal badan muujiyeen, ayaa hadana qeybo ka mid ah loo tarjumay si aan sax aheyn. Waxaa kaloo aad loola yaabanyahay in Sayidka oo Mabda’iisu ahaa ilaalinta jiritaanka Sharafta iyo midnimada Soomaliyeed, Gumeysi naceyb iyo diin jacayl aan ku salaysnayn qabiil , ayaa Taaladiisii ugu horeysay ee laga dhisay geyigiisa Soomaaliya, ay Soomaali gacanteeda ku burburisay oo birihii gadatay. Islamarkaas faracii dadkii uu la dagaalama hayey ee ‘ Ethiopia” ay u arkeen in Sayidku uu ahaa Halgamaa qaarada Africa oo dhan u soo halgamay mudanyahayna in taalo looga dhiso ” Jigjiga” oo ahayd meeshii ugu horeysay ee dagaal ku dhexmaro (Boqor Mililq-ii Ethiopia) Iyo (Sayidkii Draawiishta). Hadaba Taariikh weyn oo ka qarsooneyd Dunida ayaa waxaa bilaabay ifinteeda iyo baaris cilmiyeed soo taxnaa mudo dheer, ..
Proffesor “Sayid Omar Sayid Mahbuub” oo lagu wareystay “Somali Chanel ”
barnaamijkiisa Xulashada Todobaadka.

Hadaba halkan ka daawo Maqal iyo muuqaal.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *