Shiilaabo Daawo Muuqaal iyo Xog-waran

Hassan Haye Nur

Daawo Muuqaal iyo Xog-waran  Qurbo-joog Socdaal ku tagtay Dhulkii ay ka soojeedeen  Shiilaabo iyo nawaaxigeeda, Koofur, K. Bari  iyo K.-Galbeeed

By Hassan Haye Nur   (hassanhaye@yahoo.com)

XagaNolosha

Daaegaanka waa nabadgelyo, Dadka iyo duunyadaba aad ayey u bed qabaan, wax cudurada faafo ah oo deegaankaas kubadan ma jiraan, maciishadu waa jabantahay, wax sicirbarar ah ma jiro. Lacagta birrata qiimo ayay leedahay waxaana sarifka iyo Waxay goysaba halkan hoose ka tilmaan qaado.

Celcelis ETHB Birr Dollar
Sarrifka Dollar
23.00
$1.00
Qado
69.00
$3.00
Caano 1 litter
15.00
$0.65
Booqasho+baarisDhakhtar
575.00
$25.00
Qalliin ( one day sergery) Jigjiga only
8,740.00
$380.00
Bus raac magaalo ilaa Magaalo
230.00
$10.00
Taxi ( Bajaj) Jigjiga
25.00
$1.09
IjaarGaari Toyota HiLux 24 HRS Shilaabo

5000

$     217.00

Xaga Horumarka iyo Dhaqaalaha

Shilaabo
Shilaabo

Sida aad ogtihiinba nabadgelyo la’aantii ka jiri jirtay waayadii hore deegaankaas Shilaabo , dhoobaweyn iyo nawaaxigooda, ayaa hakinjirtay ama horistaagi jirtay dhamaan sababihii keenilahaa in deegaanku horumar gaaro.

Sida meelo badan oo Africa ka mid ah uu horumar uga suurto gali waayey Xasillooni la’aan awgeed, ayaa Deegaankan Shilaabo, Qorrexeey waxaa ka baaqday mudodheer +50 Yrs,  hadii ay jiri lahayd ilaha  hoos kuqoran oo hormar keeni lahaa.

 

  1. Maal galin ka timaada xaga Dowladihiihore

Taas oo ku wajahnaanlahayd in ay deegaanka ka hor mariso Xaga Shaqo abuurista, Tababarada, wax barashada, Caafimaadka, wax soo saarka ( qalabka beeraha, Xoolaha nool iyo suuq-geyntooda,  deegaameynta iyo jidadka, kafaa’iideysashada kheyraadka iyo wax yaabaha dabiiciga ah, ilaalinta dhirta iyo daaqa,  iyo saxada nolosha bii’da IWM. 

Wilwila & Dhooreey 2
Wilwila & Dhooreey 2

Abuurista wada hadallo joogta ah oo lagu xalinayo khilaafaadka iyo is afgaran waaga la xiriira nabadgelyada, iyada oo lagu soo gunaanadayo ama afjarayo hishiisyo qoraal ah oo lagu wada qanacsan yahay,si ay xasilooni darro iyo khilaaf dambe uuna ugu soo noqon deegaanka Soomaalida.

  1. Maal-gelin iyo caawino ka timaada Qaramada midoobay sida.
      UNDP waa Hay’ada qaabilsan barnaamijyada horumarinta ee wadamada saboolka ah In ay ka kabto deegaanka ayadoo u soo marinayso Dowlada,  xaga caafimaaadka, waxbarashada, wax soo saarka iyo jidadka   abaaraha, duufaanada, IWM,  waa hadii Dowladu sabool tahay”.

3   Maalgalina katimaada Dibada, sida

Hilinta Jinawga 2 Hassan Haye 2015
Hilinta Jinawga

Qurbojoogta, Shirkadaha, Maalqabeenada iyo Culumaa’udiinka oo ay Muhimtahay in ay dadka ka wacyigaliyaan nolosha iyo Xaqa saxda  ah gaarsiiyaan adeega  Maktabado iyo Manhajyo xambaarsan cilmiga diinteena qaaliga ah.

Hadaba hada

dhowrkaan sano ee la soo dhaafay waxaa jirta nabad-gelyo, lagafaa’iideysan karo, oo

Maraagii Higlooleey
Maraagii Higlooleey

Looga xoroobi karo Jahliga , Gaajada, cudurada, iyo dib u dhicii dheeeraa oo ay xasiloonidaradu sababtay.

Dowlada deegaanka soomaalidana DDS  waxay markasta ” Kucle iyo Rucle “ugu jirTaa sidii deegaanka Soomaalidu u hormari lahaa, waxayna samaysay Isbadelo badan mudo gaaban gudahood .Isla markaa shucuurta Dadka deegaanka Soomalida waxaa laga dareemayaa in ay ayaguna hada madaxa kor u soo qaadeen oo ay ku fakirayaan sidii ay wax u qabsan lahaayeen oo ay noolashooda min gun ilaa baar ay u habaysan lahaayeen ayagoo ka rajeynaya Qurbojoogta in ay ka qeyb qaataan horumarka iyo nabadgelyada deegaanka Soomaalida.

Ceelka Cir-Gudban, Hassan Haye 2015
Ceelka Cir-Gudban

“Caws Jiilaaal waa lama huraan’ waad og tihiin hadii nolosha qurbuhu xumaato, meesha aad caruurtiina ula soo carareysaan waa deegaanada aad ka soo jeedaan, waliba deegaanka soomalida ee Ethiopia waxuu ku yaalaa ” Plate”ka ugu qaalisan aduunka oo ay ku dambeeyaan Xoolaha nool iyo Kheyraadka dihin, waxaa laga cunaa cuno 100 % organic ah, (oo la yaqaano dhirta iyo xoolaha ay ka timid), taas oo aad ka dareemi karto sida koriinka Maskaxda ama Maskaxgaraadka dadka deegaankaas ku nool uu aad ugu sareeyo marka laga eego xaga fahmada iyo xeerinta xataa ruuxa aan school aadin.

Ceelka San-Qallooc, Hassan Haye 2015
Ceelka San-Qallooc,
 , Hassan Haye, 2015
Dalalambiya

Hadaba, dadka deegaanka insha Allah waxay qurbo joogta ka filayaan, in koox koox sanduuq dhaqaale

loo sameeyo, ka dib la bulsheeyo, ka dib bulsho kasta tuulada ku beegan wax weyn oo horumarka ku saabsan ay ka badeli kartaa,

Dadka deegaanka waxay filayaan in deegaankii la soo booqdo si ruux kasta uu xogogaal u noqdo,  in la maalgashado oo guryo laga dhisto oo ganacsi laga furto sida ay hada qurbo joog badani sameeyeen. In Shaqaalihii, Barayaashii iyo Dhakhaatiirtii tababarneyd, aqoonyahanadii iyo ganacsatadii xasiloonidaradii jiri jirtay darteed ka cararay deegaanka ee kala aaday magaalooyinka waaweyn iyo qaxootiyada ay dib ugu soo noqdaan dhulkoodii oo camiraan. 

Gabagabadii

Bali cade
Bali cade

Hadii aad deegaanka soo booqaneyso , DirDhawa ilaa Shilaabo waa Laami, waxaad helaysaa Bus -as adeeg fiican leh ” Eagle, Raaxoiyo Sheikh Nur Bus Co”.

Xilliga ugu haboon booqashada waa xilliga roobka Gu’  April – May, iyo Deyr Nov-Dec, Mar kasta waa in aad la socoto isbedelka cimilada, waayo waxaa laga yaabaa in hawadu kululaato oo roobkiina  uu baaqdo ( Climate Change).

Magaalooyinka heerka dhexe ah sida (Shilaabo Qabridahare, Dhagaxbuur) ah waxaad ka helaysaa waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha oo dhan.

Jidka Shilaabo to feer Feer, Hassan Haye 2015
Jidka Shilaabo to feer Feer
Dhaan Higlooleey
Dhaan Higlooleey

Magaalooyinka waa weyn Sida (Jigjiga, Harar, Dire-Dawa) waxaad ka heleysaa ( wax kastaooaad u baahantahay oo laga helo meelaha aduunka ugu caalamisan) sida, ATM .

Xogwarankani ma aha mid ku salaysan siyaasad ama qabiil  ,waa dareensiin ku saabsan bulsho in ay hormariso deegaankeeda,

By Hassan HayeNur (hassanhaye@yahoo.com)

Sept 20th2015

4 thoughts on “Shiilaabo Daawo Muuqaal iyo Xog-waran

  1. Dear Owner Mr.Nur
    This is a great effort and useful information to local and international Governing parties,local community,
    Google earth,UN,NGO’s and other agencies.
    You hard work represens success and shines light to foggy important land.
    Congratulation for your hard work and dedication to this website.
    Many Thanks Ahmed Sayruuq.

  2. Asc,maashaa Allah browser hassan haye walaahi you did good job my Allah bless you,you visited many places for period of time you gave US more information and ideas about how life is in that area next when you going let me know I will go with you.Thanks

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *