Dr. Ahmed Sadiiq oo kulmiyey Dhaqaatiirta gobolada Jubbooyinka

Dhaqaatiirta gobolada Jubbooyinka oo ku kulmay magaalada Kismaayo
ay maanta isugu yimaaden dhamaan dhaqaatiirta ka hawlgasha gobolada Juboyinka iyo weliba dhaqaatiir kale oo ka timid dalka dibadiisa kana soo jeeda Jubaland ayaa waxa u mAxmed sadiiq(1)anta ka dhacay gudaha magaalada kismaayo.

Mudadii uu kulankani socday ayaa waxa halkaasi ka hadlay, xiririyaha caafimaadka gobolada Juboyinka Dr. Ahmed Sadiiq, Gudomiyaha Caafimadka ee Jubaland Xuseen Sheekh C.raxman iyo waliba dhaqaatiir aad u fara badan, kuwaas oo qeexay ujedka kulankan iyo sidoo kale sidii gurmad deg deg ah loogu diri laha dadkii ay sameyen roobabki watay dabeylaha iyo duufanta oo dhibaato badan kasoo gaartay shacabka reer Puntland.

Sido kale kulanka ayaa inta uu socda waxa hadalo iyo talooyin laga dhageystay dhaqaatiir badan oo kasoo qeyb gashay kulanka kuwaas oo talooyin wax ku ool ah u soo jeediyey dhaman dhaqatiirti kaso qeyb gashay kulanka.dhaqtarokismayo

Mudooyinkii ugu dambeyey guud ahaan gobolada Juboyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo howlaha caafimaada ee ka socda ayaa ahaa kuwa hooyseea, iyadoo aysan jirin daawoyin iyo qalaby cafimaad oo aad ugu yaraa isbitalada Juboyinka.

Sikastaba waxaa muuqa inay kor u soo kacayso tayada caafimaad ee gobolada Jubooyinka taasi oo ay ka dambeysay, kadib markii ay dhaqatiirtan ka soo jeeda Jubaland ay isu xil qaameen, sidoo kale waxaa caafimaadka saamayn ku yeeshay ka dib markii ay hay’ado dhawaan la wareegay cisbitaalka Kismaayo, waxayna haatan hay’adahasi ka wadan cisbitalka kismaayo dhismo iyo waliba howlgalinta dhaqaatiir taqasus dheer ah u leh howlaha cafimaadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *