Beesha Bahgari oo Taageertay heshiiskii ay kala Sixiixdeen Ururka ONLF & Dowladda Itoobiya

14 October 2010


Shir Balaadhan oo ay isugu Imaadeen Odayaasha, waxgaradka, Culama,udiinka, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta Beesha Bahgari oo kadhacay Magaalada Jigjiga ayaa waxaa si Buuxda loogu Taageeray Heshiiskii ay kala Sixiixdeen Ururka ONLF & Dowlada Itoobiya,Beesha ayaa Heshiiskani kutilmaantay Mid Taariikhi ah oo Xiligani Loobaahnaa si Loo Samata bixiyo Shacabka Deegaanka soomaalida ee Ladaalaadhacayay Colaada & Abaaraaha.

Dadkii Shirkani kahadlay ayaa waxaa Kamaid ahaa Eng. Maxamed Badal Cumar oo kamid ah Aqoonyahanka Beesha wuxuuna Eng-Neerka Sheegay in Maanta Wixii kadambeeyo Beesha Bahgari ay Garab istaagi Doonto Hanaanka Nabad galyada ee Ka Hanaqaaday Gayiga Soomaalida Markii Horana ay Garabtaagnaayeen Eng oo arintani kahadlayo waxaa Hadaladiisii kamid ahaa” Itoobiya Waa Dowlad Federaal ah waxaa ku Hoosnool Qowmiyado Badan Hadaan nahay soomaali Xaqeeni waa ay Nasiisay maxay tahay Xabada Dambe ee la Ridayo uma sii dulqaadan doono in Dhiiga Dadkanaga lasiidaadiyo”

ugu Dambayntii Shirkani ayay Beesha sheegatay in ya halmeel uga soo wada Horjeedsan Doonaan Cidkasta oo isku dayda in ay Caraqaladayso Nabadda & Deganaanta Deegaanka iyada oo Beelaha kalana ugu Baaqday in ay Difaacdaan wadankooda kana ilaaliyaan Kooxaha qowlaysatada ee isku Dayaya in ay wali Dhiiga Shacabka Siibanaystaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *